Latest Post

6/recent/ticker-posts

Maalinta an hoygena dhabta tagno!!!

 

Maalinta an hoygena dhabta tagno.

                      

Marka Aad  dhimato Waxaa La Wariyay in Ruuxdaada  ay Ku sii baaqi ahaan doonto Meydkaaga dhinaciisa,

Sida Barkintada hoosteeda iyo Sariirta hareeraheeda Waa goormee .?

 Waa Marka Lagu dhaqayo iyo Marka La Karfanayo Labadaba.

Marka Lagu duugo Ruuxdaada Waxeey Dib Ugu Soo Laabaneysaa Jirkaaga Ka dib Marka Qabriga  Lagu soo  dhex jiifiyo.

Marka Lagaa Soo Laabto  Ka dib Waad Soo Tooseeysaa Sida Qof Hurdo Ka Soo Kacay Camal  Waxaa La Sheegaa in Aad Sadax Mar Oo  isku Xig Xigto Aad isku  dayidoontid inaad soo fadhiisato Qabriga dhexdiisa.

Ka dib Waxaad Arkeysa Mugdiga Ka jiro godka qabriga dhexdiisa ,  Lkn Mar Walba Oo Aad damacdo inaad madaxa Kor U soo qaado Darbiga Qabiga ayaad Madax Ku dir dirsaneysa

 Marka Aad Aragto Xaaladaada in aysan Caadi aheeyn ayaad Rumeysan doontaa inaad ka mid tahay Ehlu-meytka Asxaabul Qabuurka Meesha Ku Cusub Caawa.

Wax yar Ka dib Waxaa Kuu imaan doona Labadii Malag Ee kala ah Munkar iyo Nakiir Kuwaa Oo Loo Wakiishay Kaliya  In ay Qabriga dadka  Ku su"aalaan Sadax Su"aalood.

Waxa ay Ku Weeydiin doonaan Ma aha Baasaboorkaa dhalashadada Ama  Lacag iyo Maal ,   Ee Kaliya Waxa ay Ku Weeydiin doonaan Xagga Rabbigaa Diintaada Rasuulkaaga csw.

Labo Mid ayaad Noqon Mid ka Jawaaba Oo liibaana Ama Mid Ku dhaca Oo khasaara 😢Ka dib Waxaa Laguu Wadayaa Goob lagu magacaabo Xayaatu-barzaq Waxeey leedahay goobtaa  labo albaab Mid Waxa Uu Ku sii jeedaa janada

Mid ka Kale isagane Waxaa Uu Ku Sii jeedaa Xaga  jahanamo Halkaas ayaad Ku sugi doontaa Xisaabta iyo isa Soo bixinta Qiyaamaha.

Markaa ka dib Labo Meel mid ayaad Aadi Ama janno Ama Naar Allah Naga badbaadiyee

Sido kale Maalmaha Qaar Waxaa ku soo booqan doona qaar Ka Mid ah  qaraabadada iyo Asxaabtaada

Waxaa la Wariyaa in Uu Malag Kuu imaan doona Kuguna  Wargelin doona in Qof Ehelkaaga ah Ku soo Salaamay Waxaa Uu kugu Oranayaa,   Waxaa Kuu imaaday Wiikaaga ama Hooyada Ama Gabadhaada Ama Xaaskaaga.

Ruuxdaada Weey Ka Soo baxeysaa godka Qabriga Waxeey soo Koreysaa buurka Sare Ee Carada Qabriga  ,   Waxeey rabtaa in ay dhageeysato Waxa Uu dhihi doona qofka imaaday Ee Soo Booqdaha ah.

F: G:  Waxaan jecleystay inaan Nafteeyda iyo Naftaada geerida Xasuusiyo si Aan Uga towbad keeno Dambiyada aan galeyno Wll mcn

-Dhamaanteen Allah Noo dambi dhaafo

- Khaatumada Allah Noo hagaajiyo Aamiin dheh

Hadaba Waan Ku soo gaarsiiyay Dacwadan Adigane Allah dartiis U faafi Nabiga Waxa Uu yiri  " بلغوا عني ولو ءاية "

Enregistrer un commentaire

0 Commentaires